Waxaa dhowaanahan la isla dhexmarayay in Soomaaliya ay ciidamo u direyso dalka Libya si ay u caawiyaan kuwa Turkiga ee qeybta ka ah dagaalka ka socda dalka libya ee lagla jiro janareel Khaliifa Haftar.
Dowladaha Turkiga iyo Masar ayaa la sheegay inay qeyb ka yihiin dowladaha ku loolamaya dalka libya, waxaana Turkiga uu taageereyaa maamulka Qaramada Midoobey ay aqoonsan tahay ee ku sugan caasimadda Tripoli, halka Masar iyo dowlado kale ay taageerayaan Janaraalka laga adkaaday ee Khalifa Xaftar.
Dowlada federaalka ah ee Soomaaliya ayaa beenisay warka ku saabsan in Ciidamo Soomaali ah ay dowladda Turkiga u adeegsan doonto dagaalka ay ka wado Gudaha dalka libya,kaas oo ay qoreen qaar kamid ah Warabahinta Caalamka.
Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Axmed Ciisa Cawad, oo la hadlay BBC-da ayaa beeniyay in arrintaas ay jirto wuxuuna yiri: “ma jiraan ciidan aan u direyno Libya”.Ciidamada Soomaaliya ma ahan calooshood u shaqeystayaal, sida ciidamada kale ee la sheeg-sheegayay. Marka anaga ma haysano calooshood u shaqeystaal”, ayuu yiri wasiirka.
Wuxuu intaa ku daray hadalkiisa wasiirka in Wararka meelaha lagu qorayo ay yihiin kuwo dayaayad ah oo aan waxba ka jirin,waxaana sidoo kale uu sheegay in aysan jirin wada-hadal la xiriira in Ciidamo Soomaali ah loo diro dalka libya in uu dhex-maray Soomaaliya iyo Turkiga.
Hadallada ay qoreen qaar kamid ah warbaahinta Caalamka ee ku saabsanaa in Soomaaliya ay ciidamo u direyso dalka Libya si ay u “caawiyaan” kuwa Turkiga ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli madax farabadan ay ka digeysay maalmahaan dhibaatada ka dhalan karto in hub la siiyo qabiillo iska soo horjeeda – taas oo la sheegay in ay abuuri karto “Soomaaliya cusub”.