Magaalada Dhuusamareeb waxaa goor dhow ka furmay shirkii madaxda DF iyo dowlad goboleedyada oo isla caawaba la soo xirayo
War murtiyeed ka baxay shirka ayaa waxaa ku xusan in Madaxdu isku fahmeen in doorashada noqoto doorasho loo dhan yahay oo waqtigeeda dhacda inkastoo nooceeda lagu kala aragti duwan yahay.
Madaxda dowlad goboleedyada iyo DF ayaa sidoo kale isku raacay in la sameeyo Guddi Farsamo heer Federaal iyo Heer dowlad goboleed, kaasoo ka soo baaraan dagaya labada qodob doorasho ee la isku hayo oo kala ah qof iyo cod iyo doorashada dadban sida ku xusan War murtiyeedka.
HOOS UGA DAAWO SI TOOS AH KHUDBADAHA MADAXDA OO HADDA SOCDA:-