Makamadda Gobolka Banaadir ayaa Maanta oo Khamiis ah waxaa ay soo geba-gabeysay dhageysiga eeda loo heysto Tifaftiraha Warbaahinta Goobjoog ee Magaalada Muqdisho Cabdi Casiis Axmed Gurbiye.
Maxkamadeynta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa inta badan Urrurada Saxaafadda iyo Wariyeyaaha Muqdisho,waxaana Madaxda Ururada iyo qareenada u doodayay Wariye Gurbiye ay dhaliileen cadeynta Xeer ilaalinta ay Maxkamadda Maanta horkeentay, iyaga oo sheegay in wax laga bedelay.
Daahir Carab oo kamid ah qareenada u doodayay Cabdi Casiis Axmed Gurbiye ayaa sheegay in Xeer ilaalinta ay soo bandhigtay eedeynta loo heysto Wariyaha sidoo kale qareenada dhankooda ay soo bandhigeen waxyaabaha ay ku difaacayaan Wariyaha,isla markaana Maanta Maxkamadda la soo geba-gabeeyay go’aana ay sugayaan.
Xoghayaha Guud ee Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee SJS Cabdalla Axmed Muumin ayaa sheegay in Qareenada Wariye Gurbiye ay i adag u difaaceen,balse ay nasiib darro tahay in Xeer ilaalinta keeneen qof baaro ah oo booliska ka tirsan iyo Warqad saaka la soo qoray si eedo been abuur ah loogu soo oogo Wariye Cabdi Casiis Axmed Gurbiya.
Ugu dambeyn waxaa uu ugu baaqay Maxkamadda Gobolka Banaadir in Go’aanka ay soo saari doonto uu noqdo mid xorriyadiisa siiya Wariya Cabdi Casiis Axmed Gurbiya oo loo fasaxo Shaqada uu Bulshada u haayo sida uu hadalka u dhigay.
14-kii Bishii April ee sanadkaan 2020 ayaa wariye Cabdicasiis Gurbiya waxaa loogu yeeray saldhigga degmada Hodan waana la xiray afar maalmood ka dib markii uu dhaleeceyay dowladda Soomaaliya gaar ahaan Madaxtooyadda qaabka ay ula tacaashay Cudurka Corona virus Warbixin uu kusoo daabacay bartiisa Facebook,hayeeshee ugu dambeyn Maanta maxkamadeyntiisa la soo geba-gabeeyay.