Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ayaa caawa ka xog warantay xaaladihii ugu dambeeyay xanuunka COVID-19, ee dalka laga diiwaangeliyay afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay.
Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in dalka laga diiwaangeliyay 10 xaaladood oo cusub, kuwaa oo dhammaantood laga xaqiijiyay deegaanada Somaliland.
Qoraal lagu daabacay barta Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ku leedahay Twitter-ka ayaa lagu sheegay in 8 ka mida bukaanada cusub ay rag yihiin, halka 2-da kalana ay haween yihiin.
Qoraalka waxaa lagu sheegay in 4 bukaan ay ka bogsadeen xanuunsidaha COVID-19 ee Coronavirus uu keeno, taasoo tirada guud ee xanuunka ka caafimaaday ka dhigeysa 1,499 qof.
Sidoo kale wadarta guud ee xanuunka COVID-19 ee dalka laga diiwaangeliyay ayaa haataan gaartay 3,171 xaaladood, sida ku cadba qoraalkan ugu dambeeyay.
Afar iyo labaatankii saac ee ugu dambeysay ayaa waxaan jirin xaalado dhimasho ah oo dalka laga diiwaangeliyay, waana maalintii 13aad, oo aan dalka laga soo warin kiisas dhimasho ah, walow ay horey ugu geeriyoodeen 93 qof.
Xaaladaha COVID-19 ee dalka ayaa muddooyinkii ugu dambeysay waxaa ku yimid hoos u dhac weyn, xilli bulshada lagu dhaliilo inaanay ka qayb qaadan dadaalada lagu xakameynayo fayriskan saf-marka ah.
Xaaladihii ugu dambeeyay xanuunka COVID-19 ee dalka
previous post