Farixiyo Axamed maxamed oo ah Madaxa Xafiiska Ka Hortaga Tacadiga ka dhanka ah Haweenka koonfur galbeed ayaa waxey sheegtey in lagu guuleystey in haweenka ku nool degaanada koonfur galbeded gaar ahaan kuwa magaalada baydhabo in ay helaan xaquuqdii ay lahayeen kadib dhibaatooyin badan oo ay la kulmi jireen waxeyna sheegtey in haweenka ka shaqeyaan Ka Hortaga Tacadiga ka dhanka ah Haweenka in habeen iyo maalin ay u taagan yihiin sidii ay wax uga qaban lahayeen dhibaatooyinka loogeysta haweenka.
Farixiyo Axamed ayaa sidoo kale waxaa ay sheegtey in Xafiiska Ka Hortaga Tacadiga ka dhanka ah Haweenka wax yaabaha uu qabto ay ka mid yihiin dacwadaha la xiriira qoyska,iyo arimaha kufsiga.
Madaama haweenku ay ku yar yihiin Xafiiska Ka Hortaga Tacadiga ka dhanka ah Haweenka ayaa Farixiyo Axamed maxamed waxey haweenka ugu baaqdey in ay kamid noqdaan booliska gaar ahaan kuwa ka hortaga Tacadiyada loo geysto haweenka.