Xarunta ookiyaaliyaasha dhaqtar shiine obtikaal ee magaalada baydhabo waxey ka mid tahay xarumaha lagu sameeyo daweynta indhaha iyo ookiyaalishaasha ee maagalada baydhabo inta badan waxey xooga saartaa sameynta ookiyaaliyaasha kala duwan sida dadka aragtada dheer ka lunta taasi oo lagu sameynaayo baaritaano si loo ogaado cabirka ay u baahan yihiin indhihiisa sida uu sharxaayo Axmed Cali Xasan Oo ah Maamulaha xaruntaani.
Sidoo kale Axmed Cali Xasan ayaa waxaa uu sheegey in dhibaatada ugu badan ee dadka indhaha waxaa ka garayaan ay sabaab u tahay in ay isticmalayaan ookiyaal loogu soo qorin taasina dhibaato ku keeni kartaa aragtadiisa oo lunta.
Dhinaca kale waxaa uu sheegey Dr Axmed Cali in si bilaasha baaritaano ugu sameynayaan ardeyda dhigata iskuulada magaalada baydhabo si ay ugu caawiyaan ardada aan arki Karin ama dhibaato ay ku tahay aragtada sabuurada waxyaabaha lagu qoro.
Xarunta ookiyaaliyaasha dhaqtar shiine obtikaal ee magaalada baydhabo madaama ay tahay xarun lagu iibiyo ookuyaaliyaasha kala duwan iyo daweynta indhaha ayaa galabkeeda wuxuu ku xiran yahay magaalada muqdisho iyo dalalka kale waxaa uu sheegayaa sida xaruntiisa sameyn ugu yeelatey cudurka covid 19.