War qoraal ah oo ka soo baxay Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in go’aankii xilka looga qaaday Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ay dib u dhac ku tahay Soomaaliya iyo howlaha horumarinta ah ee Midowga Yurub ka wadaan Soomaaliya.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in wadiiqada loo maray xilka qaadista Ra’iisul wasaare Xasan Kheyre ay tahay mid baal marsan dasrtuurka dalka.
Coddeeynta ayaa dhacday maalmo kaddib markii la soo gabagabeeyey shirkii wadatashiga ahaa dhex maray Madaxweynaha iyo Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada oo ay ka soo baxday in shirka kale la isku yimaado 15-ka bishan Agoosto.
Tallaabooyinka dhacay ayaa ka dhigan kuwa xadgudub ku ah dastuurka kaasoo ay maal-gelinayeen Midoowga Yurub ayuu lagu yiri qoraalka.
Warkaan ka soo baxay Midowga Yurub ayaa daba socda war maalin ka hor ka soo baxay Dowladda Mareykan kaasi oo lagu sheegay in go’aanka Baarlmaanka uu dib u dhacay ku yahay Soomalaiya iyada oo farta si toos ah loogu fiiqay ku lug lahaanshaha Madaxweynaha go’aankii xilka looga qaaday Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo digniin loo diray kooxo Qaswadayaal ah oo ka tirsan dowladda, kuwaasoo aan la magac dhabin.