Saacadihii la soo dhaafay waxaa bilowday cabsi xoogaan oo soo wajahay dadka ku haray degmada afgooye iyo degaanada kale ee ku hareereysan,ka dib markii ay kordheen biyaha wabiga shabeelle oo horay ugu tatahay degaanno badan oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.
Nabadoon Ibrahim Kuuloow Axmed oo ka mid ah dadka degaanka ayaa sheegay in biyaha wabiga ay la socdaan xayawaano dad cun ah.
“Waxaan ka cabsi qabnaa inay ka dhashaan cuduro ka dib markii dhammaan adeegyadii caafimaadka ay biyaha qaadeen waana dhibaatooyin nagu soo foodleh hase ahaatee waxaana u baahnahay in nagala soo gaaro” ayuu yiri nabadoon Ibraahim Kuuloow.
Inta badan xaafadaha ay ka koobantahay Degmada Afgooye ayaa laga barakacay kaddib markii ay saameeyeen fatahaadaha wabiga shabeellle waxaana socda gurmad ay sameeynayaan dowlad goboleedka Koofur galbeed ,maamulka Gobolka iyo kan degmada oo wada qeylo dhaan iyo gurmad si wax looga qabto xaalada cakin ee ka taagan gobolka Shabeellha Hoose.
Dowladda Soomaaliyeed ayaa iyane dhankeeda ku biirtay gurmadka dadka ka barakacay Afgoyee iyadoo lacag dhan 500,000 ama Nus bilyan ugu deeqday dadkaasi u baahanyahay gurmadka deg deg ah.