Maxkamada ku taal magaalada Kuala Lumpur ayaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Malaysa Najib Razak ku xukuntay 12 sano oo xarig ah kadib markii lagu helay dambi ah musuqmaasuq iyo wax isdaba marsiin.
Dambiga lagu helay ayaa qeyb ka ah balaayiin dollar oo laga xaday qasnada dowlada Malaysia waana markii ugu horeysay ee mas’uul hore u soo noqday ra’iisul wasaare oo xukun lagu rido.
Garsooraha Maxkamada Mohamed Nazlan ayaa ku helay ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Malaysia illaa toddobo dambi oo lagu soo eedeeyay kuwaasoo ahaa ka wareejin lacag gaareysa 42 malyan oo dollar oo khasnada dowlada laga wareejiyay iyadoo lagu shubay khasnad u gaar ah
Sidoo kale Ra’iisul Wasaarihii hore ee Malaysia ayaa lagu xukumay inuu bixiyo lacag ganaax ah oo gaareysa 49 Malyan oo dollar. Hase yeeshee qareenada u doodaysa Najib ayaa sheegay inay racfaan ka qaadan doonaan xukunka.