Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed, (Khadar) ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta Bangiga dhexe ee magaalada Muqdisho, isagoo la kulmay mas’uuliyiinta Bangiga Dhexe.
Sii hayaha ra’iisul wasaaraha ayaa inta uu ku guda jiray kormeerkiisa, wuxuu maamulka Bangiga dhexe kala hadlay dardar-gelinta shaqooyinka qaranka ay u hayaan iyo qodobo kale oo lagama maarmaan u ah socodsiinta howlohoda.
Kormeerkaan ayaa qeyb ka ah dadaal la doonayo in lagu xoojiyo waxqabadka hey’adaha dowladda iyo siddii loo dardar geli lahaa shaqooyinka loo hayo bulshada si uusan gaabis ugu imaan adeegyada kala duwan.
Sii Hayaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa tan iyo markii uu magacaabay Madaxweyne Farmaajo waxa uu booqanayay xarumaha dhaqaalaha sida wasaarada maaliyada,dekeda Muqdisho iyo maanta uu booqday Bangiga Dhexe ee Muqdisho.