Dowladda Somaliya ayaa markii ugu horeysay agab caafimaad gaysay Degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool, tan iyo markii xanuunka COVID-19 dalka laga xaqiijiyay.
Wasaaradda Caafimaadka ayaa agabkan caafimaad oo loogu talagalay ka hortagga xanuunsidaha COVID-19 ee Coronavirus uu keeno ku wareejisay Maamulka Degmada Ceelbarde.
Maamulka Degmada Ceelbarde ayaa iyana agabkaasi caafimaad ku wareejiyay Maamulka Isbitaalka Degmada. Tani ayaa ka dambeysay ka dib markii bulshada reer Ceelbarde ay Dowladda Federaalka ka codsadeen in laga taageero agabka looga hortaggo COVID-19.
Haadi Siraad Cumar, Gudoomiyaha Degmada Ceelbarde iyo Madaxa Caafimaadka Degmada, Maxamed Siciid Cali ayaa Wasaaradda Caafimaadka uga mahadceliyay, sida ay dalabkii dadka deegaanka kaga jawaabtay.