Maanta oo ay Taariikhda Hijriyadu ku beegan tahay 10-ka Bisha Carafo Sanadka 1441-ka, kuna beegan 31 July 2020-ka Miilaaddiyada, waxaa inta badan Dunida Islaamka looga dabaaldegayaa Maalinta Koowaad ee Ciidul Adxaa.
Dalka Soomaaliya oo ka mid ah Dunida Islaamka ayaa sidoo kale ka mid ah meelaha sida weyn loogu Ciidayo, iyada oo ay Shacabku ay isu dirayaan hambalyada Munaasabadda Ciidul Fidriga, kuna faraxsan sidii ay u ciidayaan maalinta Koowaad ee Ciida.
Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalkeenna Soomaaliya iyo Guud ahaan Dalka ayaa xilli hore oo Saakay ah laga maqlay Takbiirta Masaajidyada ku yaalla,waxaana laga dareemayaa farxada ciida dhamaan degmooyinka Gobolkan Banaadir.
Mas’uuuliyiin ka tirsan Madaxda Sar sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada ayaa la filayaa inay Shacabka Goobo fagaaro ah iyo Masaajidyada inay kula dukadaan Salaada Ciidul-Adxa.
Sidoo kale Guryaha qaar ayaa waxaa Maanta laga qalayaa Xoolo maadaama Ciida Carafo inta badan Dadyowga Islaamka ay Xoolo Gowracaan,isla markaana ay duceystaan.
Sidoo kale goobaha sida weyn Maalinta Koowaad looga ciidayo ayaa waxaa ka mid ah, degaannada Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koofur Galbeed, Jubbaland iyo deegaanada Soomaaliland iyo dhamaan Dhulka Soomaalidu Dagto.