Allaha u naxariistee waxaa saakay magaalada Muqdisho ku geeriyootay Diktooreyso Xaawo Cabdi Dhiblaawe, oo aheyd Hooyo dhakhtarad ah, isla markaana si weyn looga yaqaanay Soomaliya, gaar ahaan gobollada koofureed ee dalka.
Gabadheeda Drs. Deeqa Aadan ayaa Idaacadda Kulmiye u sheegtay in hooyo xaaladeedu uu ahaa mid wanaagsan saacadihii u dambeeyey ee nolosheeda.
Sidoo kale waxay sheegtay inay caafimaad qabtay oo guriga ay ku geeriyootay. Isala markaana ay saakay si caadi ah u quraacatay.
Ugu dambeyntii Deeqo waxay noo sheegtay in marxuum Xaawa Cabdi ay ifka ugu tagtay laba gabdhood.
Allaha u naxariistee Drs. Xaawo Cabdi ayaa ka shaqeyn jirtay arrimaha samafalka, iyadoo lagu xasuusto gargaaradii bini’aadanimo ee ay ka fulun jirtay koofurta Soomaaliya, xilliyadii adkaa ee dalku burburka ku jiray.
Dhanka kale Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay ka tacsiyadeyneysaa Geerida Naxdinta leh ee ku timid Allaha u Naxariistee Marxuumad Drs. Xaawa Cabdi oo ku geeriyootay Magaalada Muqdisho.
War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Drs Xaawo Cabdi ay aheyd hooyo Soomaaliyeed oo baal dahab kaga jirtay taariikhda Soomaaliya, waxaana lagu xasuusan doonaa adeegyadii Samafal iyo Caafimaad ee ay u fidin jirtay danyarta Soomaaliyeed xiliyo adag.
Drs. Xaawo Cabdi waxay Xarun Caafimaad oo Hooyada iyo Dhalaanka ah ka hergalisay duleedkaMagaalada, taas oo si bilaash ah loogu daryeelo hooyooyinka iyo Dhalaanka Soomaaliyeed.
Dowladda Soomaaliya waxay si gaar ah xanuunka iyo Murugada ula qeybsaneysaa Qoyskii iyo Ehelada ay ka baxday Marxuumadda Waxayna Alle SW uga baryeysaa in uu Janatul Fardowsa ka waraabiyo.