Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya, Senator Mowliid Xuseen Guhaad iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.
Wafdiga Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Aqalka Sare ayaa degmadaasi u tagay daahfurka Buundada Baardheere, oo lagu wado in dib u dhis ballaaran lagu sameeyo.
Buundadan oo muhiim u ah isu socodka bulshada iyo ganacsigaba ayaa waxaa ka muuqanaya burbur xoogan, iyadoo mudadii burburka aan dayactir iyo dib u habaynba lagu samayn.
Ra’iisal Wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Khayre ayaa 5-tii bishii October ee sanadkii 2019 ugu deeqay $317,000, si dib u dhis ballaaaran loogu sameeyo Buundada Degmada Baardheere.
Dhawr diyaaradood ayaa shalay iyo illaa maanta Garoonka Diyaaradaha Baardheere ka dejiyay qalabka ay tahay in dib u dhiskaasi loogu sameeyo buundada.
Senator Mowliid Xuseen Guhaad, Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Aqalka Sare oo dultagay Buundada Degmada Baardheere ayaa kaga dhawaaqay daahfurka dib u dhiskeeda.
Gudoomiye Kuxigeenka ayaa sheegay in si deg deg ahi lagu dhisi doono buundadan, iyadoo injineerada dhiseysa lagu wareejiyay qalabkii dhismaha, sida uu yiri.
Gudoomiyaha Degmada Baardheere, Maxamed Wali Yuusuf (Qorax) ayaa isna sheegay in qalabkii dhismaha ay gacanta ku hayaan, maalmaha soo socdana la bilaabi doono dhismaha buundadaasi.
Senatoro iyo Xildhibaano Golaha Shacabka ka tirsan oo qayb ka ahaa wafdiga Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Aqalka Sare ayaa iyaguna goobta ka sheegay muhiimadda ay Buundada Baardheere u leedahay dadka deegaanka iyo weliba isu socodka ganacsiga ee gobolada.
Dadka deegaanka ayaa waxay sheegeen in dib u dhiska Buundada Baardheere, ay soo dhaweynayaan dadka deegaanka iyo weliba darawalada gaadiidka xamuulka.
Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Aqalka Sare oo gaaray Magaalada Baardheere
previous post