Madaxweyne Kuxigeenka Turkiga, Fuat Oktay ayaa maanta booqasho rasmii ah ku tagay Magaalada Beirut ee Xarunta Wadanka Lubnaan.
Madaxweyne Kuxigeenka ayaa soo kormeeray goobihii sida weyn ugu burburay qaraxii Talaadadii ka dhacay Dekeda Magaalada Beirut iyo nawaaxigeedaba.
Madaxweyne Kuxigeenka Turkiga oo la kulmay Madaxweynaha Lubnaan, Michel Aoun ayaa u sheegay in Turkiga diyaar u yahay dib u dhiska Dekeda Beirut.
Fuat Oktay, Madaxweyne Kuxigeenka Turkiga ayaa sidoo kale Madaxweynaha Lubnaan u sheegay in Turkigu diyaariyay Dekeda Magaalada Mersin ee ku taala Badda Mediterranean, taasoo diyaar u ah inay martigeliso maraakiibtii ku soo xiran jiray Dekeda Magaalada Beirut, ka dibna doomo yar yar looga soo qaado shixnadaha ganacsi ay sidaan, illaa iyo inta dib looga dhisaayo Dekeda Beirut.
Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron ayaa Khamiistii Magaalada Beirut kaga dhawaaqay in Beirut ay u baahan tahay taageero deg deg ahi oo loo muujiyo.
“Waxaan dhacay waa xaalad jahwareerineysa siyaasadda, dhaqaalaha iyo qoysaska reer Lubnaan ee arrintani saameysay, waxayna u baahan tahay talaabooyinka deg-deg ah.” Ayuu yiri Madaxweyne Macron.
Dalalka Ruushka, Turkiga, Iran, Qatar, Tunisia, Algeria iyo Ururka Midowga Yurub ayaa sheegay inay kaalmo bani’aanimo gaarsiinayaan qoysaska, ay dhibaatada ka soo gaartay qaraxaasi.