Qarax ayaa goor dhow laga maqlay magaalada Muqdisho, kaasoo jugtiisa ahaa si weyn looga maqlay inta badan magaalada.
Dadka ku nool degmooyinka Yaaqshiid iyo Warta Nabadda ayaa soo sheegaya in qaraxa ahaa mid aad u culus oo xaafadooda aad u gilgilay.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay agagaarka Baar Hilaac Muqdisho ka soo baxaya warar kala duwan cida lala eegtay.
Goobjoogayaal ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu weeraray xero ciidan ku taalla dhabarka dambe ee Garoonka Stadium Muqdisho.
La soco wixii warar ee ku soo kordha