Wararka aan ka heleyno gobollada Jubbada Dhexe iyo Shabeellada Hoose waxa ay sheegayaan in xalay ay duqeymo ka geysteen diyaarado, kuwaas oo lagu beegsaday xarumo ay leeyihiin Al-Shabaab.
Bartilmaameedka koowaad ayaa ka dhacay xarun ay isku aroorsanayeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo sida la sheegay qorsheynayey weerar ay ku qaadaan deegaano ka tirsan maamul goboleedka Jubbaland.
Sidoo kale duqeynta labaad ayaa ka dhacday xarun kale oo mudooyinkii lasoo dhaafay lagu aruurinayey dagaalamayaal loo qorsheeyey inay weerar ku qaadaan saldhigga weyn ee Ballidoogle, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan sirdoonka Soomaaliya.
Saraakiishan ka tirsan sirdoonka Soomaaliya waxa ay sheegeen in xubnihii lagu dilay lagu dilay duqeyntaas uu ka mid ahaa gacan yarihii Mahad Karataay oo lagu magacaabo Daahir Macalin, kaas oo Cuteyba looga yaqaanay gudaha Alshabaab.
Sidoo kale Axmed Nuur iyo afar dagaalame oo kale ayaa lagu dilay duqeynta ka dhacday Sablaale.
Duqeymahan ayaa imaanaya ayadoo maalmihii lasoo dhaafay Al-shabaab ay bilaabeen in weerarro toos ah ka geystaan deegaano ka tirsan Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.