Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa lagu soo dhoweyey Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Madaxweynaha oo Muqdisho ku sugnaa ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada baydhaba, waxaana soo dhaweyntiisa ka qayb qaatay masโuuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.
Lagta-gareen ayaa intii uu magaalada Muqdisho ku sugnaa waxaa uu shirar la yeeshay qaar ka mid ah safiirada dalalka Caalamka ee Soomaaliya ku sugan, waxaana sida la sheegay uu kala hadlay arrimo dhowr ah oo ku aaddan siyaasadda dalka.
Sidoo kale waxaa uu ka qayb galay Madaxweynuhu shirkii beesha Muddullood ee Muqdisho lagu soo gebegabeeyay, waxaana uu ka jeediyay shirkaas Khudbad