Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Axmed Abul-kheyd ayaa sheegay inay socoto Qabanqaabadda Shirweyne looga hadli doono Taageeradda Dhaqaale ee la siiyo Somalia iyo sidii ay Dowladaha Carbeed u cafin lahaayeen Daynta ay ku leeyihiin Somalia.
Axmed Abul-kheyd waxa uu hadalkaasi sheegay, kadib, markii uu Khadka Telefoonka kula hadlay Madaxweyne Farmaajo, oo ay iska xog wareysteen Xaalladihii ugu dambeeyey ee dalka, gaar ahaan Arrimaha Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Kaalinta Ururka Jaamacadda Carabta ka qaadan karo Deganaanshaha iyo Horumarka Somalia.
Dhinaca kale, waxa uu tilmaamay in Ururka Jaamacadda Carbta qabanqaabinayo Kulan la ballaariyey oo looga hadli doono Dayn-Cafinta Somalia, kaasi oo bilowga bisha soo socoto ee September ka furmi doono Xarunta Dhexe ee Ururkaasi ee magaalladda Qaahira.
Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Axmed Abul-kheyd iyo Sii-hayaha Xilka Wasiirka Maaliyadda ee XFS, C/raxmaan Ducaale Bayleh ayaana wada shir-guddoomin doona Kulankaasi oo ay ka soo qeyb geli doonaan Wafuud ka kala socota 22-ka Dowladood ee Xubnaha ka ah Ururkaasi iyo Hay’adaha Maalgashiga Carbeed ee daynta ku leh Somalia