Waxaa magaalada Dhuusamareeb gaaray madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Waare kaas oo lagu wado inuu ka qeybgalo shirka Dhuusamareeb 3.
Waare yaa ku biiray mas’uuliyiinta tagay Dhuusamareeb sida madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxweynaha Koondur galbeed Cabdicasis Lafta-gareen.
Shirka Dhuusamareeb 3 ayaa lagu wadaa in looga arrinsado doorashada 2020/2021, waxaa uuna shirka furmayaa iyada DF ay dooneyso qof iyo cod halka dowlad goboleedyadana ay doonayaan doorasho dadban.
Waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusomareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug gaaray Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen)
Garoonka diyaaradaha Dhuusomareeb waxaa kusoo dhaweeyay wafdigan Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor Qoor iyo masuuliyiin kale oo katirsan maamulka Galmudug.
Madaxweyne Laftagareen iyo wafdiga la socda ayaa magaalada Dhuusomareeb u tagay ka qeyb galka Wajiga sadexaad ee Shirka u dhaxeeya dowlada Federaalka iyo dowlad goboleedyada hpostaga dowlada.
Magaalada Dhuusomareeb ayaa sidoo kale la filayaa in saacadahasoo aadan ilaa beri in ay gaaraan Madaxda Maamul goboleedyada qaarkood iyo Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya .