Qarax aad u weyn oo gil-gilay guud ahaanba xaafadaha ay ka koobantahay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa caawa ka dhacay xaafadda Faanoole, gaar ahaan waaxda Imbiritooriya.
Qaraxa ayaa lagu xiray guri dabaq ah oo ka koobnaa laba biyaano, kaas oo uu lahaa ganacsade caan ka ah deegaanada Jubbaland oo lagu magacaabo Cabdullahi Gaari.
Xog ay heshay warbaahinta Warsan News waxay sheegeysaa in ganacsadahaas ay lacag canshuur ah ka dalbadeen dagaalamayaasha Al-Shabaab, balse uu ku gacan seyray.
Qaraxan waxaa lagu tuhmayaa inay fuliyeen Al-Shabaab, inkastoo aysan weli sheegan, welina wax faahfaahin ah lagama helin nooca uu ahaa.
Sidoo kale wararku waxay sheegayaan in guriga xilliga la qarxiyey aysan qofna ku sugneyn, isla markaana uu cidlo iska ahaa waayihii dambe.
Illaa hadda si rasmi ah looma oga in uu jiro khasaare ka dhashay qaraxaas, waxaana durbadiiba goobta xiray oo baritaano ka bilaabay ciidamada ammaanka Jubbaland ee ka howlgala magaalada Kismaayo.
Ururka Al-Shabaab ayaa canshuura inta badan dadka maal-qabeenada ah ee ku nool dalka, gaar ahaan gobollada dhaca koonfurta oo ay ugu horeyso Muqdisho, waxayna mararka qaar khaarajiyaan ciddii ka dhega adeygta dalabkooda, iyagoo sidoo kale weerara xarumahooda.