Faah faahin dheeraad ah ayaa waxaa uu kasoo baxayaa qarax ka dhacay magaalada Baled Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in qarax xooggan, isla markaana dad badan ay waxyeello ka soo gaartay.
Dad ku nool degmada Beled xaawo ayaa qaarkood waxaa ay sheegeen in qaraxaasi uu ka dhacay goob ay dadku ku badan yihiin oo ku taalla suuqa xoolaha.
Goob-joogayaal ayaa sheegay inay arkeen maydka dhowr qof oo yaalla goobta qaraxu ka dhacay oo ah Goob suuqa ah oo lagu iibiyo xoolaha iyo sidoo kale qaadka. Suuqa ayaa ku yaalla xaafadda Siddeeda oo u dhow cisbitaalka degmada Buulo Xaawo.
Maamulka degmada ayaa sheegay inay qaraxaasi ku dhinteen lix qof, halka siddeed kalena ay ku dhaawacmeen.
Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka heleyno degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada ay Dowladda Soomaaliya ay halkaasi geysay ay wadaan howlgallo kala duwan