Ciidamada oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay geysay Gobolka Gedo oo ah Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee haramcad ayaa waxaa ay howlgallo ka wadaan Xaafadaha iyo wadooyinka degmada Beled-Xaawo.
Saraakiisha Ciidamada iyo Maamulka degmada ayaa waxaa ay sheegeen in howlgallada ay yihiin kuwo lagu sugayo Amniga degmada Beled-Xaawo oo ay horay ugu dagaalameen Ciidamada Dowladda & kuwa daacadda u ah Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdi Rashiid Janan oo baxsad ka ah dowladda Soomaaliya.
Dadka ku nool degmada Beled-Xaawo ayaa waxaa ay Risaala u sheegeen in Ciidamada Haramcad oo wata Gaadiidka dagaalka lagu arkayo wadooyinka iyo duleedka degmada Beled-Xaawo, kuwaas oo wada howlgallo baaritaano ah.
Laamaha amniga degmada Beled-Xaawo weli sooma bandhigin dad loo qabtay fallaka amni darro ee dhawaan ka dhacay degmadaasi,iyada oo xaalada ay haatan tahay mid degan.
Dhanka kale Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Jubaland ahna ku simaha madaxweynaha Jubbaland (Maxamud Sayid Aadan) ayaa dowladda dhexe ku eedeeyay amni darada ka jirta gobolka Gedo.
Masuulkaan oo ka hadlayay qarax ka dhacay magaalada Baled-Xaawo halkaas oo ay waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah.
Maxamuud Sayid Aadan wuxuu sheegay in dowladda federaalka ay gabtay masuuliyadda dadka shacabka ah maadaama ay ciidamo badan halkaas ku daabuleen.
Sidoo kale qof walba oo ay waxyeelo kasoo gaartay ay masuuliyadeeda qaadaneyso dowladda Federaalka.
Masuuliyiinta waxey aaminsan yahiin in deegaanada Balad Xaawo, Luuq iyo Doolow intii ay gacanta ugu jireen maamulka Jubbaland ay aad amni u ahaayeen, balse ay gacanta ka baxeen tan iyo markii ay dowladda ciidamo geysay.