Wasiirka Gargaarka & Maareynta Masiibooyinka Somalia, Xamza Siciid Xamza iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa kormeer u tagay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Wasiirka Gargaarka ayaa waxaa kormeerkan ku wehlinayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, Cali Siciid Fiqi, Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali (Najax) iyo xubno kale.
Wafdiga Wasiirka ayaa soo kormeeray meelaha ay saamaynta ugu daran ku yeelatay fatahaadaha bishii hore ee Luulyo ku dhuftay degmadaasi.
Wasaaradda Gargaarka ayaa bishii Luulyo ku dhawaaqday shan boqol oo kun oo dollar, oo sida ay sheegtay wax looga qaban doono fatahaadahaasi, oo dadka reer Afgooye ku khasbay inay guryahooda isaga barakacaan.
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo deegaan doorashadiisu tahay Degmada Afgooye ayaa toddobaadkii hore Dowladda Federaalka markale ku dhaliilay inay ka gaabisay wax ka qabashada fatahaadaha ka jira degmadaasi.
Kormeerka Wasiirka Gargaarka ayaa waxay ku soo aadaysaa, iyadoo ay maalmihii la soo dhaafay ka soo reyneysay xaaladda Degmada Afgooye.
Wasiirka Gargaarka oo kormeer u tagay Degmada Afgooye (SAWIRRO)
previous post