Dagaalkaan oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu ka dhacay degaanka lambar 60 ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana uu dhex-maray Ciidamada Dowladda & kuwa AMIOSM oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen Saldhiga Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ee degaanka lambar 60, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday ku dhawaad saacad.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, isla markaana uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay dagaalkaas.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa dhankooda waxaa ay Warbaahinta u sheegeen inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab,isla markaana ay khasaaro ku gaarsiiyeen.
Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka heleyno degaanka lambar 60 ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi ay howlgal culus ka sameeyeen Ciidamada dowladda & kuwa AMISOM, hayeeshee aysan faah faahin ka bixin waxyaabaha ay kusoo qabteen.