Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa booqasho taariikhi ah ku tagay dalka Suudaan, isagoo saarnaa diyaaraddii u horeysay ee Israel leedahay oo duulimaad toos ah ku tagta magaalada Khartoum ee dalka Suudaan.
Mike Pompeo ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Sudan Abadalla Hamdouk, iyagoo ka wada hadlay iskaashiga iyo xiriirka cusub ee u bilowday Mareykanka iyo Suudaan.
Diyaaradda ay leedahay dalka Israel ayaa duulimaadkeeda u horreeyay ku tagtay magaalada Khartoum, waxaana taasi bilow u aheyd xiriirka cusub ee Israel iyo Suudaan oo horay u xumaa, ayna jireen duqeymo ay Israel ka geysatay gudaha Suudaan, kaddib markii ay uga shakisay inay hub siiso Kooxaha kacdoonka ee dalka Falastiin sida Xamaas iyo ururo kale.
Tan iyo markii xukunka laga tuuray Madaxweynihii hore dalka Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir, waxaa is bedel ku yimid is bedel weyn oo suura geliyay in Suudaan ay gasho marxalad cusub, isla markaana dib u bilowday xiriirkii diblomaasiyadeed ee Suudaan iyo Mareykanka.
Sidoo kale Mike Pompeo ayaa goordhow kula kulmi doona magaalada Khartoum Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo saaka gaaray magaalada Khartoum.
Imaatinka Abiy ee Khartoum ayaa ahaa la kulanka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Mike Pompeo, maadaama dalka Itoobiya qalalaase siyaasadeed uu ka jiro oo ka dhashay muddo kororsiga uu sameystay iyo dib u dhaca ku yimid doorashada dalkaas, waxaana rabshadihii dhowaan Itoobiya ka dhacay ku dhintay dad fara badan, halka xabsiga loo taxaabay siyaasiyiinta mucaaradka.