Degmada Qansaxdheere ee Gobolka Baay ayaa lagu soo bandhigay nin lagu sheegay inuu yahay Sarkaal ka goystay Ururka Al Shabaab.
Maxamed Cabdi Xasan ayaa xiriir la soo sameeyay Saraakiisha Ciidanka Daraawiishta ee Koonfur Galbeed, ka hor intii aanu isu soo dhiibin.
Sida ay sheegeen Saraakiisha waxa uu Maxamed Cabdi Xasan ka hawlgeli jiray deegaanada hoos-yimaada Degmada Qansaxdheere, taasoo ay go’doomin ku hayaan maleeshiyada Al Shabaab.
Maxamed Cabdi ayaa markii uu Arbacadii isa soo dhiibaayay waxaa uu watay qori AK47 iyo booshkiisa.
Saraakiisha Ciidanka Daraawiishta ayaa sidoo kale sheegay inay jiraan maleeshiyaad kale oo Shabaabka ka tirsan, kuna hawlan sidii ay isu soo dhiibi lahaayen.