Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya la xiray Wariye Maxamed Deeq Cabdiraxiin (Serjito).
Wariyaha ayaa ka mid ah Wariye-yaasha ka hawlgala Magaalada Baydhabo, iyadoona si weyn looga garanayo magaaladaasi.
Xarigiisa ayaa wuxuu ka dambeeyay, ka dib markii uu wareysi la yeeshay dad dhaliilay shaqada Wasaaradda Haweenka, Xuquuqul Insaanka & Arrimaha Qoyska ee Koonfur Galbeed.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka Koonfur Galbeed, Yuusuf Cabdulqaadir Maxamed ayaa amray xariga Wariyaha, iyadoo aysan jirin warqad maxkamadeed oo lagu soo xiri karo.
Askar ka tirsan kuwa Booliska Baydhabo oo hoygiisa ka soo qabtay ayaa damcay inay ku xiraan Gaalgashiraha Baydhabo, balse waxaa taasi ka horyimid Taliska Gaalshiraha, oo sheegay in qof aan dembi lahayn aanay xiri karin. Booliska ayaa intaasi ka dib Wariyaha ku xiray Saldhiga Dhexe ee Baydhabo, halkaasoo uu xalay ku hooyday.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaan weli ka hadlin xariga ninka Wariyaha ahi loogu gaystay Magaalada Baydhabo, balse xarigiisa waxaa uu qayb ka yahay caburinta lagu hayo Wariye-yaasha dalka ka hawlgala.
Wariye Maxamed Deeq Serjito oo lagu xiray Magaalada Baydhabo
previous post