Wariye Maxamed Deeq Cabdiraxiin (Serjito) ayaa Maqribimdii xalay laga sii daayay Saldhiga Dhexe ee Magaalada Baydhabo, ka dib markii lagu helay maalintii Arbacada.
Xarigiisaa waxa uu ka dambeeyay, ka dib markii uu wareysi la yeeshay dad dhaliilay shaqada Wasaaradda Haweenka, Xuquuqul Insaanka & Arrimaha Qoyska ee Koonfur Galbeed.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka Koonfur Galbeed, Yuusuf Cabdulqaadir Maxamed ayaa Ciidamada Booliska u adeegsaday xariga ninka Wariyaha ah.
Maxamed Deeq Serjito oo xaqiijinaya in xabsiga laga soo sii daayay ayaa yiri “Xabsiga waan ka soo baxay, hadana xor ayaan ahay. Ma jirto wax dhibaato ah oo xabsiga la’igu gaystay, marka laga soo taggo in xorriyadda la’iga qaaday.”
Isagoo ka hadlaya cidda soo sii deysay ayaa wuxuu yiri “Kuwii i soo xiray ayaa xabsiga iigu yimid, iyagaana iga soo sii daayay. Waxay ceebsadeen wadadii ay u mareen xarigeyga, sidaas ayayna xabsiga iiga soo sii daayeen.”
Serjito oo la shaqeeya Warbaahinta maxaliga ayay dad badani wax lala yaabo ku tilmaameen waxa uu ku muteystay xarigaasi.
Wariye Serjito oo dib u helay xoriyadiisa, muddo saacado ka dib
previous post