Siihayaha Wasiirka waxbarashada Xuumadda federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in dhawaan ay dowladdu shaacin doonto Natiijada Imtixaanaadkii ay qaadday wasaaraddu.
Goodax Barre oo ka hadlayay kulan uu la yeeshay ardayda waxkabarata Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, ayaa waxaa uu sheegay in dhawaan ay shaacin doonaan natiijada imtixaanka oo u muuqda mid soo daahay, isagoo sheegay in wali ay socoto howsha imtixaanka walina ay ku howlanyihiin sidii ay usoo gudbin lahaayeen Imtixaankii ay wasaaraddu qaadday.
Dhanka kale waxaa uu sheegay in wasaaradda waxbarashada ay qadday tallaabooyin horumar leh oo sida uu shegay ay wasaaraddiisu ay tiigsatay, waxaa uu sheegay in sanadkaan ay ku guuleysteen qadista imtixaanka Fasalka 8aad oo dugsiga dhexe looga gudbo, waxaana horay loo shaaciyay natiijada Imtxiaanka ay galeen ardayda fasalka 8aaad.
Waxaa sidoo akle uu ka dhawaajiyay Wasiir Goodax in ay diyaariyeen Nidaam waxbarasho oo seddex sano socon doona kaas oo dadka waxrashadu ka daahday loogu talagalay, nidamka ayuu sheegay in uu u sahli doono dadka waqti hore ka haray in ay si fudud ula qabsadaan wabrashada iyadoo waqti badani uusan ka lumeyn, waxana sanadkii ay qaadan doonaan dhowr fasal oo lagu siin doono Manhajka Dowladda sida uu sheegay Goodax Barre.
Waxaa sidoo kale uu sheegay siihayaha wasiirka wasaaradda waxbaarshada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya in ay ku guuleysteen soo saaridda Manhaj nidaamsan oo sida uu sheegay guud ahaan dalka laga dhigi doono.
Imtixaanaadka dugsiga sare ee saandkaan dowladdu qaadday ayaan wali la shaacin Natiijada, waxaana taasi ay walaaac ku abuurtay ardayda doonaysa in ay Jaamacadaha ku biiraan oo sida ay sheegeen ka daahay xilligii ay Jaamacadaha dalka iska diiwaan galin lahaayeen.