Shirkadda Diyaaradaha ee Qatar Airways ayaa waxay shaaca ka qaaday inay dib u bilaabi doonto duulimaadyadii ay ku taggi jirtay Magaalada Muqdisho.
Qatar Airways ayaa sheegtay in toddobaadkii saddex jeer ay duulimaad ku taggi doonto Magaalada Muqdisho, laga bilaabo 6-da bisha soo socota ee September.
Qatar Airways ayaa si ku-meel-gaar ahi u hakisay duulimaadyadeedii Magaalada Muqdisho, ka dib markii uu dunidii kala xir xiray xanuunka saf-marka ah ee COVID-19.
Duulimaadyada ay haataan ku tageyso Magaalada Muqdisho ayaa qayb ka ah duulimaadyo kale, oo ay dib u bilowday, kuna tageyso Magaalooyinka Djibouti, Addis Ababa, Nairobi, Dar es Salaam, Zanzibar, Kilimanjaro, Kigali iyo Tunis.
Dalka Jabuuti ayaa noqday dalkii ugu horeeyay, ee ay duulimaad ku tagto Qatar Airways, tan iyo markii ay dib u bilowday duulimaadyadeedaan.
Diyaaradda Qatar Airways ee duulimaadyadaan bixineysa ayuu nooceedu yahay Airbus A320, waxayna leedahay 120 kursi oo Economy ah iyo 12 kursi oo Business Class ah.