Wafdiga Safarka uu Muqdisho ku jooga ku wehliya Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa ay la kulmeen Xubno ka tirsan Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya.
Xubnaha ay wafdiga la kulmeen ayaa waxaa kamid ah , Midowga Europe, Sweden, Italy UNSOM iyo diblumaasiyiin kale, iyaga oo kala hadlay xaalada siyaasadaeed ee dalka iyo Arrimaha doorashooyinka.
Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Yuusuf Dabaraani ayaa sheegay in laga wada hadlay halka uu marayo Nidaamka dimuqraadiyada Puntland iyo sida ugu haboon ay dalka uga dhici karto doorasho heshiis lagu yahay oo ay ka wada hadlaan saamileyda siyaasadeed ee dalka.
Xubnaha Beesha Caalamka ka tirsan ee la kulmay Wafdiga ka socda Puntland ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen inay ka go’an tahay sii wadista taageerada ay siiyaan Soomaaliya iyo inay ka qeyb qaataan gacan siinta doorashada la filayo inay ka dhacdo Soomaaliya 2021.
Madaxweynaha Puntland ayaa weli ku sugan Magaalada Muqdisho, waxaana isaga iyo wafdiga la socda ay wadaan kulamo kala duwan oo ay la yeelanayaan Siyaasiyiinta mucaaradka Xubno ka tirsan dowladda iyo Beesha Caalamka.