Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay hoyga uu ka dagan yahay magaalada Muqdisho ku qaabilay Gudoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey.
Kulankaas ayaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka dalka oo doodeedu taagneyd waayahan.
Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa Muqdisho u jooga inay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo kala hadlaan arrimaha doorashooyinka dalka.
Shirka madaxweyne Farmaajo iyo labada madaxweyne ayaan weli furmin waxaana la sheegay inay jiraan shuruudo ay soo bandhigeen labada madaxweyne inta uusan furmin shirkaas