Ciidamada Maraykanka ee qaaradda Afrika ayaa xaqiijiyey in askari looga dhaawacay weerar ka dhacay degaanka Janaay Cabdalle ee duleedka magaalada Kismaayo
Gaashaanle sare Christopher Karns oo u hadlay ciidamada milatariga Afrika ayaa sheegay in weerarkaas uu dhacay xilli ay ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Maraykanka ku jireen hawlgal ahaa talosiin iyo taageero.
Weerarka ayuu sheegay iney Al-Shabaab u adeegsadeen baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa iyo hoobiyeyaal.
Christopher Karns waxa uu sheegay in askarigaas xaaladdiisu ay deggan tahay, lana daweynayo, isagoo xusay in dhaawaca soo gaarayna aanu ahayn mid halis ku ah naftiisa, isagoo dhinaca kale xusay in mid ka mid ah xoogaga Al-Shabaab lagu dilay weerarkaas
Al Shabaab ayaa weerar xoogan oo qaraxyo loo adeegsaday ku qaaday saldhig ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee Danab iyo kuwa Jubbaland ku lahaayeen deegaanka Janaay Cabdalle oo qiyaastii 60-KM u jira magaalada Kismaayo.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Al Shabaab weerarkaasi ismiidaaminta ah u adeegsadeen gaari nuuca aan Xabadaha karin oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay kaa oo xoog ku dhaafay koontarool xerada laga ilaalinayay.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarkan Al Shabaab ku qaadeen saldhiga ciidamada ku lahaayeen Deegaanka Janaay Cabdalle oo dhawaan Al Shabaab lagala wareegay.
Sargaal katirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in weerarka lagu soo qaaday ay fashiliyeen, waxa uuna xusay in gaariga la qarxiyay kahor inta uusan xerada ciidamada uusan soo galin.
Dhinaca kale War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka ismiidaaminta ah ee ku qaadeen Janaaya Cabdalle ku dileen 16-askari oo katirsan ciidamada Danab sidoo kale ku dhaawaceen tiro kale oo badan.
Al Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in weerarka Janaay Cabdalle ku dileen 4-askari oo Mareykan kuwa kale weerarkaasi ku dhaawaceen, waxa ayna Al Shabaabsheegeen in weerarka ku gubeen gaadiid ay lahaayeen ciidamada Mareykanka.