Qareenada qoyska madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Morsi ayaa sheegay inay heleen macluumaad muujinaya in la dilay wiilkii ugu yaraa caruurta madaxweynihii hore Maxamed Mursi.
Waxay sheegeen in wiilkaas lagu dilay ‘maado halis ah’ balse uusan u dhiman wadna xanuun,.
Cabdullahi Morsi, oo 25-sano jir ahaa, wuxuu sanad ka hor 4-tii Sebtember ku dhintay isbitaal ku yaalla magaalada Giza, oo koonfur-galbeed uga beegan caasimadda Masar ee Qaahira.
Warbixin ay dowladdu waqtigaas soo saartay ayaa lagu sheegay in Cabdullahi oo watay gaarigiisa si kadis ah loogu soo booday, isla markaana loo qaaday isbitaal, “laakiin dhakhaatiirtu ma awoodin inay badbaadiyaan.”
Cabdullaahi Mursi oo dhowr jeer oo hore hadlay ayaa sheegay in bad-qabkiisa uu u baqayo, isla markaana uu aad uga murugsanyahay geeridii Aabihii Maxamed Mursi.