Madaxweyne-yaasha Hirshabelle iyo Galmudug, Maxamed Cabdi Waare iyo Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa waxaa lagu wadaa inay gaaraan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa labada Madaxweyne ugu baaqay inay isugu yimaadaan Magaalada Baydhabo, si ay uga arrinsadaan xaaladda dalka.
Dhinacyadan ayay tahay inay ka wada hadlaan sidii loo dardargelin lahaa qodobadii ka soo baxay Shirkii Dhuusamareeb 3, ee 20-kii bishii hore ee August lagu soo geba-gabeeyay Magaalada Dhuusamareeb iyo go’aanka ay tahay inay ka qaataan baaqii kaga yimid Madaxweyne-yaasha Jubbaland iyo Puntland, ee ahaa in madaxda ka maqan Shirka Magaalada Muqdisho laga soo qaybgeliyo.
Madaxtooyada Baydhabo ayaa waxaa ka soconaya diyaargarowgii ugu dambeeyay ee ku aadan martigelinta shirka uu ku baaqay Madaxweynaha Koonfur Galbeed.
Wararka laga helayo Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in Madaxweyne Qoorqoor uu isu diyaarinayo safarkiisa Magaalada Baydhabo.
Sidoo kale Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa la fillaya in saacadaha soo socdo uu isna gaaro Magaalada Baydhabo.
Shirka laga qaban-qaabinayo Magaalada Baydhabo ayaa waxa uu ku soo aadaya, xilli uu mugdi hareeyay shirkii lagu waday in Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Puntland iyo Jubbaland uu uga furmo Magaalada Muqdisho.