War kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa lagu shaacisay magaca hoggaamiye sare oo Al-Shabaab looga dilay duqeyn 25-kii Agoosto ka dhacday Koonfurta Soomaaliya.
War-saxaafadeedka kasoo baxay AFRICOM waxaa lagu sheegay in sarkaalkaas lagu magacaabi jiray Cabdulqaadir Yarow Cusmaan oo loo garan ogaa (Cabdulqaadir Kumandoos)
Mareykanka waxay sheegeen in Cabdulqaadir Kumandos uu xilal badan ka soo qabtay gudaha Al-Shabaab, isla markaana uu dhowaanahaanba ahaa taliye sare oo ka tirsanaa ciidamada Al-Shabaab, iyadoo duqeynta lagu dilayna ay si gaar ah uga dhacday magaalada Saakow ee gobolka Jubada Dhexe, maalin Isniin ah 25-kii Agoosto.
“Howl-galladeenna sida duqeyntan oo kale oo laga fuliyey xudunta Al-Shabaab waxay muhiim u yihiin in la wiiqo awoodooda ay ku faafin karaan qaska iyo rabshadaha Soomaaliya iyo meelaha ka baxsan” ayuu yiri taliyaha ciidamada Mareykanka ee AFRICOM Stephen Townsend.
Cabdulqaadir Kumaandos waxaa ka mid ahaa saraakiishii ciidamadii dowladii dhexe ee Soomaaliya ee uu hoggaaminayey Jeneraal Maxamed Siyaad Barre, halkaas oo sida la sheegay uu ugu baxay magaca Kumaandos.
Sanadihii 2000 ayuu Cabdulqaadir Kumaandos ku biiray maxkamadihii Islaamiga ahaa ee ka aas-aasmay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, isagoo markii dambena ka mid noqday aas-aasayaashii ururkii Xizbul Islaam, ugu dambeyntiina isaga iyo ururkiisiiba waxay la midoobeen Al-Shabaab sanadkii 2011-kii.
Cabdulqaadir Kumaandos waa sarkaalkii seddaxaad ee sare oo Al-Shabaab duqeyn looga dilay sanadkan 2020-ka.
22-kii Febraayo Mareykanka waxay magaalada Saakow ku dileen Bashiir Qoorgaab oo la sheegay inuu ahaa abaanduulihii ciidamada Al-Shabaab, sidoo kale 2-dii April ee isla sanadkan waxaa degaanka Bush Madiina ee gobolka Bay Al-Shabaab looga dilay Yuusuf Nuur Sheekh Xasan oo loo yaqaanay ‘Yuusuf Jiis’.