Wararka ka imaanaya Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Webiga Shabelle ee mara magaaladaasi uu bilaabay inuu ku fataho qaybo ka mida magaaladaasi.
Wariye-yaasha ka hawlgala Magaalada Beledweyne ayaa soo sheegaya in Webiga Shabelle uu xilligaan bilaabay inuu karkaarada jabsado, isla-markaana uu ku fataho xaafadaha qaarkood.
Inkastoo aysan fatahaaduhu xooganayn ayaa waxaa hadana jira baqdin ay dadka deegaanku ka qabaan in ay xoogeystaan maalmaha ina soo aadan.
Xaafadaha Buundoweyn, Hawlwadaag, Xaawo Taako iyo Kooshin ayaa ah meelaha ugu daran ee laga cabsida qabo inuu sida weyn ugu fataho webigaasi.
Waxaa jira qoysas fara ku tiris ah oo maanta bilaabay inay guryahooda isaga barakacaan, marka aad eegto digniinaha laga soo saaray roobabka mahiigaanka ee ka da’aaya buuraleyda dalka Itoobiya.
Gudoomiyaha Guddiga Kahortagga Fatahaadaha Beledweyne, Xaaji Cismaan Dhagaxow Haruur ayaa sheegay inay weli xaaladdu degantahay, isla-markaana ay wadaan dadaalo ay ku moosayaan meelaha uu webiga soo jabsaday.
Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ku soo noq noqday fatahaadaha ka dhasha Webiga Shabelle.