Siihayaha xilka Raβiisul Wasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ka tacsiyadeeyay dilka degaan hoostaga degmada Raaga Ceelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe loogu geystay dad Culimo ahaa.
Mahdi Guuleed ayaa sheegay in falkaasi uu agaa mid lagu xasuuqay dad biri-mageydo ah, isla markaana cadaaladda la horkeeni doono dadkii ka dambeeyay.
βAad baan uga xumahay dilka rag culimmo ah loogu geystay deegaanka Raage Ceelle ee gobolka Shabeellada dhexe. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa eheladii ay ka bexeen, Culimadu waa biri-mageydo ay reebban tahay in la waxyeelleeyo. kuwii falkan geystay waxaa la marin doonaa sharciga ayuu yiriβ Mahdi Guuleed.
Maleeshiyaad hubeysan ayaa waxaa la sheegay in Shan ruux oo macalimiin ahaa ay ku dileen degaan ka tirsan degmada Raaga Ceelle, isla markaan a ay goobta ka baxsadeen
Dhanka kalevCali Guudlaawe oo Amray in la soo qabto dadkii ka dambeeyay dilka Shanta
Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboledka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa faray Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Taliyeyaasha Ciidanka sida qeybta 27aad Taliyaha Guutada ee Milateriga iyo Taliyaha qeybta Booliska inay ku baxaan deegaankii saaka maleeshiyaadka hubeysnaa ku dileen Macalimiinta oo hoostaga degmada Raaga Ceelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Kadib kulan dhex-maray Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe, Guddoomiyaha Gobolka iyo taliyeyaasha Ciidamada ayuu ku amray inay gacanta kusoo dhigaan dadkii ka dambeeyay dilka Macalimiinta si cadaaladda loo marsiiyo.
β Waxaan u tacsiyadeynayaa Ehellada iyo qaraabada ay ka geeriyoodeen dadkii saaka lagu dilay deegaan ka tirsan degmada Raage Ceelle, waxaana amrayaa Guddoomiyaha Gobolka & taliyeyaasha Ciidamada in dadka dilka geystay si deg deg ah loo soo qabto ayuu yiriβ Cali Guudlaawe.
Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan, Taliyaha qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga dalka Jen. Tareedishe iyo Taliyaha Qeybta Booliska Col. Xasan Dhicisow iyo Saraakiil kale ayaa u ambabaxay deegaankii dadka lagu dilay oo u dhaxeeya degmooyinka Raage Ceelle iyo Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.