Wasiiru dawlaha Madaxtooyada Maamulka Jubbaland Xirsi Jamac Gaani iyo Wasiiru Dawlaha Wasaarada Maaliyada Puntland Maxamed C/qaadir Cismaan oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay la kulmeen Wakiilka Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya James SWAN, Safiirka Uk Ben Fender, Safiirka Maraykanka Amb, Yamamoto iyo Safiirka Mudowga Yurub Nicolas Berlange.
labada Wasiiru dowle oo kamid ah Wafdiga Muqdisho ee Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa waxaa ay Xubnaha Beesha Caalamka kala hadleen kobcinta dhakhliga gudaha, dayn cafinta Soomaaliya, deeqaha aduunku ugu deeqo Soomaaliya, horumarka laga sameeyey dib u habeynta hannaanka Maaliyada Puntland iyo arimaha Siyaasada Soomaaliya ee xiligaan taagan oo ay kamid yihiin Arrimaha doorashooyinka.
Kulan oo ahaa mid gaar ah ayaa Xubnaha Beesha Caalamka waxaa ay balan qaadeen in taageero ay u fidin doonaan Maamulada Puntland iyo Jubaland, sida amniga dhaqaalaha iyo waxyaabaha muhiimka u ah Bulshada.
Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa waxaa ay ku sugan yihiin Magaalada muqdisho, iyaga oo kulan looga hadlayo arrimaha doorashada la leh Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.