Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Muqdisho ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Madaxweyne Saciid Deni iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Lafta-gareen, Wasiiro, Xildhibaano iyo xubno kale.
Intaas kadib Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa loo galbiyay dhinaca Xarunta Madaxtooyada, isagoo ka mahadceliyay sida wanaagsan ee loo soo dhaweeyay isaga iyo wafdigiisa.
Madaxweyne Deni ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Baydhabo waxaa uu kulan gaar ah ula qaadan doonaa Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, iyagoo ka wada hadli doona Arrimo kala duwan.
Madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed iyo Puntland ayaa dhawaan kulan gaar ah ku yeeshay Magaalada Muqdisho oo ay uga qeyb galeen shirkii wadatashiga ahaa ee heshiiska looga gaaray Doorashada dalka.
Ammaanka guud ee Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG u ah Maamulka Koonfur Galbeed ayaa siweyn loo adkeeyay, isla markaana waxaa la xiray waddooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa Xarunta Madaxtooyada.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa siweyn loogu soo dhoweeyay magaaladda Baydhabo.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Ambs Cali Siciid Fiqi, Goleyaasha Dowladda , Saraakiil Ciidan iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada Baydhabo ayaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa kusoo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee Shaati gaduud.
Maamul Goboleedka Puntland ayaa xiriir iskaashi la leh dhammaan dowladdaha xubna ka ah DFS, oo ay Koonfur Galbeed ka midtahay, sidaasi darteed Socdaalka Madaxweynaha ayaa la xiriira horumarinta xiriirka iskaashi ee ka dhaxeeya Puntland iyo Koonfur Galbeed