Wararka aan ka heleyno gobolka Shabeellada Hoose waxay sheegayaan in ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan ururka 143-aad ee guutada 14-ka October ay dagaalamayaasha Al-Shabaab ka soo furteen caruur ay u tababarayeen fulinta qaraxyada.
Ciidamada ayaa sheegay in caruurtan ay ku soo furtay howlgal ay saacadihii lasoo dhaafay ka sameeyeen tuulooyin dhowr ah oo hoos taga deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellada Hoose.
Dhamme Axmed Xasan Siyaad Taliyaha ururka 143-aad, Guutada 14-ka October ee militeriga Soomaaliya oo howlgalkaas hoggaaminayey ayaa sheegay in ay Al-Shabaab ka dileen 16-dagaalame.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay intii howlgalladaasi ay socdeen inay Al-Shabaab ka soo furteen in ka badan 40-cunug oo caruur aan qaan gaarin ah, kuwaas oo sida uu sheegay ay Al-Shabaab u tababarayeen fulinta qaraxyada