Raβiisul wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre ayaa soo saaray qoraal daba socda bayaankii ay ku mideysnaayeen isaga iyo musharaxiin kale, kaas oo ay walaac uga muujiyeen guddiyada ay dowladdu magacaawday doorashada dalka.
Kheyre ayaa qoraalkiisa ku sheegay in mar kale uu ku celinayo inay lagama maarmaan tahay in doorashada dalka u dhacdo βsi xor ah, xasilloon, wadar-oggal ah oo waqtigeeda ku qabsoontaβ.
βSidii aan uga sheegay shirarkii Golaha Wasiirrada ee 10kii May iyo 9kii July 2020ka, inta xilka aanan iska casilin ka hor, waxaa lagama maarmaan ah inay dalka ka dhacdo doorasho xor ah, xasilloon, wadar-oggal ah oo waqtigeeda ku qabsoontaβ ayuu qoraalkiisa ku yiri Kheyre.
Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, βHaddaba, waxa aan maanta oo taariikhdu tahay 10ka November 2020 caddaynayaa inaan ka mid ahay musharrixiintii saxiixday war-murtiyeedka ku taariikhaysan 10/11/2020 ee cinwaankiisu yahay βMawqifka iyo Goβaanka Musharrixiinta Madaxweynenimada Soomaaliya ee ka qaybgalka doorashada 2020/21β taas oo aan walaac uga muujinnay qaabka Dowladda Federaalku u maamulayso doorashada iyo guddiyada loo qorsheeyey in ay doorashada maamulaan.β
Waxuu sheegay inay sax aheyn in xubno ka tirsan ciidanka ammaanka lagu soo daro guddiyada doorashada dalka.
βAniga oo aaminsan in ciidamada amnigu ay hayaan shaqo qaran oo aad muhiim u ah ayna naga mudan yihiin sharaf iyo karaamo, hadana sax ma aha inay ka mid noqdaan guddiyada madaxa bannaan ee doorashooyinkaβ ayuu raβiisul wasaarihii hore ku yiri qoraalkan.
Ugu dambeyntii Kheyre ayaa talo ahaan u soo jeediyey βWaxaan aaminsanahay guddiga maamulaya kuraasta Gobollada Waqooyi ee Somaliland in loo maareeyo qaab wadar-oggol ah, qaddarin leh, waafaqsanna heshiiskii DFS iyo Maamul Goboleedyadu ku gaareen Muqdisho 26kii September 2020.β
