Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan qarax ka dhacay guri uu ka degen yahay magaalada Kismaayo Wasiirka Deegaanka iyo Dalxiiska Maamulka Jubaland Caydiid Saleebaan Xaashi.
Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhacay qol ka mid ah qolalka guriga wasiirka waxaana ku dhintey saddex askari oo la sheegay inay ahaayeen ilaalada wasiirka.
Wasiirka deegaanka iyo dalxiisa Jubbaland oo aan waxba ka soo gaarin qaraxan ayaa warbaahinta u sheegay inuu caafimaad qabo oo Alle ka badbaadiyay qaraxa.
Ururka Alshabaab ayaa sheegtay inay qaraxan ka dambeeyeen hase yeeshee Maamulka Jubbaland ayaa ku dhowaaqay baaritaan la xiriira qaraxa.