Munaasabaddaan ka dhacdey Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka baay ayaa waxaa loogu dabaaldagaayey Maalinta Macalinka Soomaaliyeed oo ku began 21 Nov. oo laxuso sanad kasta.
Munaasabadda ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wasaaradda waxbarashada dowlad goboleedka koonfur galbeed, gudoomiyaasha waxbarashada gobolka iyo kan Degmada, maamuliyaasha iyo maclimiinta iskuulada Baydhabo, aqoon yahno waalidiin iyo ardada dhigtaan iskuulada Magaalada Baydhabo.
Kooxda fanaaniinta bayhaaw bang oo munaasabadda lagu marti qaadey ayaa waxey ku soo bandhigeen ruwaayado, gabiyo iyo heeso ka turjumayaan muhiimada uu leeyahay Macalinka Soomaaliyeed.
Maamuliyaasha iyo maclimiinta iskuulada Magaalada Baydhabo iyo marti sharaf kale oo munaasabadda lagu casuumey ayaa kahadley waxyaabaha ay uga dhigan taahay maalintaani.
Qaar kamid ah ardeydii ka socotey iskuulada Baydhabo ayaa waxey xuska maalintaan ay lawadageen maclimiinta soomaaliyeed.
“haddaan nahay ardeyda dhigata iskuulada Magaalada Baydhabo waxaa maanta halkaan hambaliyada farxad ah ugu direynaa Macalinka soomaaliyeed gaar ahaan maclimiinta heerkaani waxbarasho nasoo gaarsiyeen”.
Wasiirka Wasaarada Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare Ee koonfur galbeed Mudane Maxamed Yuusuf Xasan “Waalid” ayaa sheegey in maalintaani ay tahay maalin si aad ah ugu weyn ka wasaarad ahaan, Waxaana uu sheegey in maalintaani ay tahay maalin maclimiinta soomaaliyeed u baahan in lagu dhiiga galinyo aqoontooda iyo waajibaadka macalinimo,
Sidoo kale wasiir waalid ayaa wuxuu sheegey in qorshaha Wasaarada Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare Ee koonfur galbeed ay tahay sidii maclimiinta loo siin lahaa tababaro ku saabsan kor uqaadista aqoontooda.