Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ee xarunta kumeelgaarka ah ee Maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in Xildhibaan Khaliif Haashim Nuur oo ka mid ahaa xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland uu ku dhintey kadib markii qarax loogu xirey gaarigiisa.
Allaha u naxarisitee xildhibaanka ayaa ka soo baxay guriga uu ka degenaa magaalada Kismaayo caawa fiidkii isagoo watay gaari uu lahaa,hase yeeshee wax yar kadib markii uu ka soo baxay gurigiisii haleelay qarax.
Xildhibaan Khaliif Haashim Nuur ayaa ka mid noqday xildhibaanada baarlamaanka 2aad ee Jubbaland,balse waxa uu hore ugaga tirsanaa ciidamada maamulka Jubaland.
Ururka Alshabaab ayaa sheegtay inay ka dambeysay qaraxa loogu xirey gaariga xildhibaanka geeriyooday.
Madaxweynaha maamulka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka tacsiyeey geerida ku timid Allah ha u Naxariistee Xildhibaan Khaliif Haashim Nuur. Maamulka Jubbaland ayaa ku eedeysay in Qaraxaasi ay ka dambeeyeen ururka Al-Shabaab.