Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna Musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre ayaa xalay ku kulmay magaalada Garowe.
Kulankan ayaa looga hadlay arrimaha doorashada iyo khilaafka ka taagan, iyadoo Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor uu wado dadaalo xal looga gaaro muranka ka jira doorashada.
Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ayaa ku boggaadiyay Madaxweyne Qoorqoor dadaalada ku aadan xalinta muranka ka taagan doorashada, iyo sidii cabashooyinka jira loo xalin lahaa.
Madaxweynaha Galmudug ayaa dhowaan ka sheegay Shirkii Heritage inay ku howlan yihiin sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dadaalo lagu xalinayo tabashooyinka ka jira hannaanka doorashada.
Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland oo bishii hore ku shiray magaalada Gaalkacyo ayaa isku raacay inay dadaal dhex dhexaadin ka qaadan lahaayeen kala aragti duwanaanta ka jirta doorashada.