Xoghayaha Caafimaadka Ingiriiska Matt Hancock ayaa sheegay in noocyada cusub ee loo yaqaano cudurka Karoonaha ee lagu aqoonsaday Koonfur Afrika ay ka khatar badan yihiin noocyada aadka u faafa ee Ingiriiska.
“Aad ayaan uga walwalsanahay noocyada kala duwan ee Koonfur Afrika, waana sababta aan u qaadnay tallaabada aan ku xaddidnay dhammaan duulimaadyada ka yimaada Koonfur Afrika,” ayuu Hancock u sheegay BBC Radio Isniintii.
Waxaa uu intaasi kusii daray “Tani waa dhibaato aad iyo aad u daran waana ka sii dhib badan tahay noocyada cusub ee UK.”
Hancock wuxuu sheegay in Britain ay u baahan tahay inay adkeyso xayiraadaha meelaha qaar ee dalka si wax looga qabto faafitaanka degdega ah ee nooc cusub oo ka mid ah coronavirus ka dib markii kiisaska ay soo bateen toddobaadyadii la soo dhaafay.
Axadii, waxaa jiray ku dhowaad 55,000 kiis oo cusub guud ahaanna in ka badan 75,000 oo qof oo dalka ku nool ayaa u dhintay COVID-19 intii lagu jiray faafida – tirada labaad ee ugu badan Yurub iyo tan lixaad ee adduunka ugu xun.
Labada wadan ee Ingiriiska iyo Koonfur Afrika ayaa bilihii la soo dhaafay ka helay noocyo cusub oo ku saabsan cudurka loo yaqaan ‘coronavirus’.