Faah faahino ayaa laga helayaa weerar lagu dilay Askar ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Rag ka tirsan Al-shabaab ayaa weerarka ku qaaday Askarta ka tirsan Ciidamada dowladda oo xiligaas ku sugnaa deegaan hoostega duleedka Balcad, sida ay sheegayaan wararka la helayo.
Saddex Askari oo kamid Ciidanka dowladda Federaalka ayaa lagu dilay weerarka, waxaana warar ay faafiyeen Al-shabaab ay ku sheegteen Mas’uuliyada weerarkaas ka dhacay Shabeellaha Dhexe.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka dowladda Federaalka oo ku aadan weerarkaas dhacay, waxaana xusid mudan in saacadihii lasoo dhaafay Ciidamada ay howlgal ka fuliyeen wadada xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo Jowhar.
Al-shabaab ayaa horey weeraro geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uga fuliyay wadada xiriira degmada Balcad iyo Jowhar, waxaana weerarada qaarkood lagu dilay Saraakiil Ciidan iyo Mas’uuliyiin ka tirsanaa Maamulka Hirshabeelle.