Guddiga doorashada dalka Uganda ayaa si rasmi ah ugu dhowaaqay in Yoweri Museveni uu ku guuleystey doorashada madaxweynaha dalka Uganda.
Mr Museveni ayaa helay codad gaaraya 59% halka Mr Wine uu ka helay codad dhan 35%,sida ay shaaciyeen guddiga doorashada.
Bobi Wine oo ah nin dhalinyaro ah oo si weyn ula tartamay Museveni ayaa sheegay in codadka lagu shubtay uuna hayo cadeymo.
Robert Kyagulanyi, oo caan ku ah magaca Bobi Wine, ayaa sheegay inuu matalayo dhallinyarada dalka, halka Yoweri Museveni, oo 76 sano jir ah, uu ku ololeyanayay inuu dalka Uganda u horseeday xasillooni.Yoweri Museveni ayaa madaxweyne ka ahaa dalka Uganda tan iyo sanadkii 1986dii.
kormeerayaasha doorashada ayaa sheegaya in kalsoonida tirinta ay waxyeelo u geysatay khadka internet-ka oo dalkaasi ka go’an seddexdii maalmood u dambeeyay.